Ra’iisul wasaare Xamza oo gaaray Magaalada Laascaanood


 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Xamza ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye, xubno sar sare oo kamid ah maamulkiisa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo u soo banaan baxay soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Socdaalkan waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinayo qaar kamid ah golihiisa waisirada, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin oo ka tirsan hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale booqashadan ayaa noqon doonto mid kooban oo laba maalmood ah, balse muhiimad weyn xambaarsan, isla markaana jawi cusub u abuureyso labada dhinac.

Sida qorshuhu yahay ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Laascaanood, wuxuu la kulmi doonaa hoggaanka SSC-Khaatumo, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladaha ka jira deegaannada maamulkaas.

Waxaa kale oo la filayaa in Xamza Cabdi Barre uu xarigga ka jaro mashariic laga hirgeliyay halkaasi, kuwa kale oo cusubna uu u dhagax dhigo reer Laascaanood.

Sidoo kale inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli uu gobolka weli wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, balse safarkan ayaa loo arkaa mid iftiin u yeeli kara dadaallada lagu doonayo xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Dhanka kale, Somaliland ayaa ka carootay safarkan, waxayna horay uga soo saartay digniino adag oo uu dhagaha ka fureystay Xamza oo maanta tegay Laascaanood.

Si kastaba, Booqashadan ayaa waxa ay sidoo kale ku soo aadeysaa xilli xasaasi ah oo ay soo  baxayaan warar sheegaya in Somaliland ay aqoonsi ka heli karto dawlado waawayn oo uu ugu horreeyo Maraykanka, taas oo ay si weyn u diidan dowladda federaalka.

Post a Comment

0 Comments