Madaxwayne Cirro oo shaaciyay aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland



 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay ololaha Somaliland ee ku aadan aqoonsiga, gaar ahaan rajada ay ka qabaan dalka Mareykanka.

Cirro oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska The New York Times ayaa rajo aad u weyn ka muujiyay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu aqoonsan doono Somaliland, isaga oo ku sifeeyay “shakhsi lala xaajoon karo”, sida uu ku caddeeyay wareysiga.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u doorashadii Trump ay u noqotay fursaddii ugu wayneyd ee soo marta Somaliland, ayna ku gaari doonaan guusha ictiraafka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in kalsooni wayn ay ku qabaan maskaxda ganacsi ee Trump, isla markaana labada dhinac ay kala heli doonaan fursado muhiim ah.

“Aniga iyo dadkayguba waxaan ku rajo weynahay in maskaxda ganacsi ee Madaxweyne Trump ay horseedi doonto aqoonsigeenna. Waa fursaddii ugu weynayd ee abid na soo marta,” ayuu wareysiga ku yiri Madaxweynaha Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan la filayo in Madaxweyne Cirro uu booqasho ku tego Washington, sida uu xaqiijiyey wasiirkiisa arrimaha dibadda Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo isna dhowaan booqasho ku tegay dalka Mareykanka.

Arrinta aqoonsiga ayaa waxaa indhawaanahan si weyn u kar-karinayay saaxibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyada oo dhowr jeer Koongareeska Maraykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan ictiraafka Somaliland.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanka uu aqoonsi siin doono Somaliland, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Post a Comment

0 Comments