Hoggaamiyaha Ssc Khatuma oo lagu casumey shirka Madasha wadatashiga Qaran.



 Maamulka SSC KHATUMO ayaa lagu casumey inay markii ugu horraysay si rasmi ah qayb uga noqdaan shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo madaxda DFS.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Laascaanood kaga dhawaaqay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka madasha MCC si rasmi ah ugu casuumey maamulka SSC KHATUMO lana soo gaarsiiyey hoggaamiye Firdhiye.

“Hoggaamiyaha waa sheekaysanay waxaana farxad ah in markii ugu horraysay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah ugu casuumey shirka madasha MCC oo ay ka qaybgeli doonto SSC KHATUMO”, RW Xamse Cabdi Barre.

Post a Comment

0 Comments