Dowladda Soomaaliya OO xaqiijisay in ay dishay Al-Shabaab Ajaanib ah

 


War saxaafadeed ka soo baxay maanta oo Khamiis ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin buuxda looga bixiyay dagaal qaraar oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Daynuunay iyo Baydhabo.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa isku uruursanayay deegaanka Burjeed oo 15 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka ku xaqiijisay in 35 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen oo uu ku jiro horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalal kale.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in 60 ka mid ah Al-shabaab ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen 18-askari oo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo kooxihii weerarka soo qaaday ay baxsadeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay wali socdaan howlgallada lagu fashilinayo weerarada Al-shabaab.

Dhinaca kale Meydadka Al-Shabaab ee lagu dilay dagaalkii Daynuunay ayaa la geeyay Baydhabo, waxaana lagu soo bandhigay Beerta Afar Irdoodka oo ay isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah dadka deegaanka oo arkay meydadka.

Madaxweyne, Laftagareen iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degaanada Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay Guusha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaaladii ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo oo Ciidamada Soomaaliya ay kula dagaalameen Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments